Dawlada Soomaaliya oo u Tacsiyadeeysay Shacabka Lubnaan

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Khadka Telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnan qoraal la soo dhigay Barta Face Buugga ee kusimaha Ra’iisal wasaaraha ayaa looga hadlay qaraxii Lubnaan

Mahdi  Maxamed Guuleed Qadar, ayaa Ra’iisul Wasaaraha Lubnan uga tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii aad u xooganaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beyruut ee Caasimadda dalkaas, waxaana kuwa ku dhaawacmay uu u  rajeeyay Caafimaad Deg deg ah.

Siihaayaha Ra’iisal wasaaraha ,  waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay Lubnan la qeyb sanayaan dhibaatada kasoo gaatay qaraxyadii musiibada ahaa ee dhacay.

Magaalada Beyruut, ayaa waxaa Xalay ka dhacay qaraxyo waaweyn ruxay, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad fara badan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com