Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in boqolaal qof oo qaxooti ah oo ku sugan Yemen dib loogu soo celin doono dalka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen ayaa sheegay in boqollaal qaxooti ah oo Soomaali ah dalkooda hooyo dib loogu soo celin doono dhammaadka bishaan aynu ku jirno ee March.

Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa sheegay in ay dedaal badan ugu jiraan sidii dadka Soomaalida ah ay uga badbaadi lahaayeen dhibaatada ka aloosan dalkaas.

“Sanad walbo waxaa la soo qaadi jiray kun ilaa lix kun ..laakiin markii ugu dambeysay aan wadahadalnay waxaa la ii sheegay in bishan March aan ku jirno bartamaheeda la bilaabi doono oo dalka dib loogu soo celin doono dadka Soomaalida ah”

Yemen ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka jiray colaad sokeeye oo meelaha qaar dadku ay wajahaan xaalado culus, iyadoo dadka halkaas qaxootiga ku ahna ay xaaladdahaas adag usii nugul yihiin.

Hadalka Safiirka  ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore ay tobannaan qof ku dhinteen xero lagu haayay dad muhaajiriin ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com