Dawlada Soomaaliya oo sheegtay in Baroordiiq Muddo 3 cisho ah loo sameyn doono geerida Cali Mahdi Maxamed

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadaysay geeridii ku timid Allaha unaxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya, oo xaalad caafimaad markii hore loo geeyay .Dowladdu waxaa ay sheegtay in muddo sedax cisho ah loo sameyn doono baroordiiq iyadoo calanka Soomaaliya hoos loo dhigi doono si loo muujiyo murugada geerida madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Dhammaan Madaxda Dawlada Fdederaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta ayaa ka tacsiyadeeyaygeerida Alle ha u naxariiste Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane CaliMahdi Maxamed

Innaa Lillaah Wa Inaa Illeyhi Raajicuun

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com