Dawlada Soomaaliya oo sheegay 5.9 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka Cimilada, Abaaraha iyo Fathaadaha

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho ay ku qabteen guddoomiyaha guddiga  Gurmadka Abaaraha ahna wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka gargaarka Soomaaliya ayay ku sheegeen in hay’addo iyo Ururo kale oo caalamiga ah u soo jawaab ah  ka qayb qaadashada  samatabixinta dadka abaaraha heystaan.

wasiirka gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay 5.9 milyan oo Soomaali ah heysato dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada, abaaraha, fatahaadaha iyo duruufo kale.

Waxay Tilmamtay in dowladdu xoogga ay saartay sidii loo yareyn lahaa khataraha ka dhashay dhibaatooyinka is barkaday ee dadka Soomaaliyeed saameeyay.

Guddoomiyaha guddiga ahna wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in hey’ado dhowr ah ka soo jawaabeen baaqii guddiga u direy, hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan isku dubaridda gargaarka aadanaha ee UNOCHA, Bankiga adduunka iyo ururka iskaashiga dalalka Islaamka ee OIC aya kamid ah dhinacyadaJawaab ka heleen.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com