Dawlada Soomaaliya oo kordhisay Xayiraada Cudurka Covid19

Dowladda Soomaaliya ee Muddo Xileedkeedu uu dhammaaday  ayaa sheegtay in xayiraadihii bishan horraanteedii loo soo rogay xakameynta cudurka COVID-19 awgeed ay sii soconayaan laba toddobaad oo hor leh.

Wasiirka Warfafaanta Xukuumadda Xilgaarsiinta Dalka Cusmaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in halista cudurka COVID-19 ay weli jirto, waxaana uu ku baaqay in dadku ay qaataan af-xir, islamarkaana ay kala fogaadaan. Waxa uu sidoo kale sheegay in loo hoggaansamo talooyinka bahda caafimaadka.

Xayiraada la kordhiyay ee xakameynta Cudurka Covid19 ayaa saameeyn xooggan ku yeelanaysa Dadka danyarta ah ee aan garaneyn meel ay shaqooyin ka raadsadan dawlada uu muddo xileedkeeda uu dhammaaday ma heyso qorshe lagu caawinaayo Dadka uu Saameeyay cudurka  Covid19 ee ku nool Soomaaliya

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com