Dawlada Soomaaliya oo ka hadashay Madax banaanida Shiinaha

Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida Shiinaha,.

Waxayna sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay, xili ay Mareykanka iyo Xulafadiisu doonayaan difaaca Taiwan.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo jiritaan ee dhul-weynaha Shiinaha.

Qoraalka oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.

Xukuumaddii Farmaajo ayaa horey ugu dhiiran waayay in khilaafka Shiinaha iyo Mareykanka mid gaar loogu hiiliyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com