Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaciyay in markii u horraysay Xukuumadda ay soo la soo darastay dhaqaale yari tii ugu darnayd, kadib markii deeq-bixiyaashu ay ka joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen dowladda Federaalka Somaaliya .
Wasiir Beyle, ayaa sheegay mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada dowladda, oo ay ku jiraan cuntada iyo adeegga Ciidanka ay ku baxdo lacag dhan $30 malyan oo Dollar, taas oo aysan xataa kala barked dowladdu heli karin, kadib markii laga jartay lacagtii kabka ahayd ee Caalamku bixin jiray.
Wasiir Beyle ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday, in ay dowladda dhaqaale Ugu deeqaan, si looga baxo dhaqaale xumada soo wajahday dowladda Soomaaliya , Si aan gacan shisheeye wax loo sugin.
Sidoo kale Wasiir Beyle sheegay in uu soo bandhigi doono akoonno lagu caawiyo dowladda, kuwaas oo qof kasta laga rabo in uu ka qayb-qaato Qaaraanka lagu ururinayo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com