Dawlada Soomaaliya oo Codsi u dirtay hay’adda lacagta Aduunka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Codsi u dirtay hay’adda lacagta adduunka ee IMF in ay dib u dhigto barnaamijka ay dib u eegista ugu samaynayso dhaqaalaha Soomaaliya oo ku eg 17 bishan May 2022.

Warqadda Codsiga ah ee  ka soo baxday Xukuumadda Soomaaliya waxaa si wadajir ah ugu saxiixan wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa codsatay in mudda saddex bilood ah lagu kordhiyo barnaamijkaas ay waddo hay’adda lacagta adduunka ee IMF islamarkaana la gaarsiiyo 17 Agoosto 2022.

Codsiga dib u dhigidda barnaamijka ayaa dowladdu sheegtay in uu la xiriiro dib u dhacyada hareeyay doorashada dalka oo saamayn ku yeeshay shaqooyin badan oo la qaban lahaa.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF weli kama Falcelin codsiga ka yimid Xukuumadda Soomaaliya oo ku soo beegmay  xilli dalku uu ku jiro wakhti doorasho .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com