Dawlada Soomaaliya oo Ciidamo geysay Degmada Doolow ee gobolka Gedo+Sawiro Daawo

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dawlada Federaalka Soomalaiya maanta Ciidamo iyo Gaadiid dagaal ay geysay degmada Dooloow ee gobolka Gedo

Ciidamadaan iyo Gaadiidka dagaalka  ay wataan ayaa diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho waxaana ay ka tirsan yihiin ciidanka mitariga dawlada Federaalka qaybtooda Gor Gor kuwaas oo dhawaan Tababar ku soo qaatay Dalka Turkiga.

Illaa hadda lama Oga Ujeedada Rasmiga ah ee Ciidankasi loo geeyay Degmada Doolow balse arintaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf weli ka taagan tahay qabsoomida doorashooyinka dalka

Sidoo kale Tallaabadaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo khilaaf xooggan uu u dhexeya dawlada waqtigeeda uu dhammaaday ee Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Maamulka Kenya

Hase , ahaatee lama oga Ujeedada Rasmiga ah ee Ciidanka maanta loo geeyay degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com