Dawlada Soomaaliya oo Cambaareeysay Weerar Madafiic ah oo Kooxda Xuutiyiinta ay ku qaadeen Dalka Sacuudiga

Wasaarada Arimaha dibada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambareeysay Weerar gantaalo ah ee ay kooxda xuutiyiinta ku qaadeen Magaalada Riyaad ee Dalka Sacuudi carabiya.

Qoraal ka soo baxay Wasarada Arimaha dibada ee Soomaaliya oo ku qornaa luqada carabiga oo looga hadlay Weerarkaasi

Dawlada Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri Qoraalka soo  baxay wasaarada arimaha dibada Soomaliya .

Dowladda Fderaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com