Dawlada Soomaaliya oo Amaro ku soo rogtay Dadka Kenyaan ka ah ee Socdaalka ku imaanaya Soomaaliya

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro quseeya socdalka Muwaadiniinta kenyaanka ah ee doonaya inay soo gaaraan Dalkeena Soomaaliya.

Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee ku safraya baasaboorka dubloomaasiga ah ayaa looga baahan yahay ogolaanshiyaha wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya heystaan ka hor safarkooda Soomaaliya.

Go,aankan ma saameynayo muwaadiniinta kenyaanka ah ee heysta deggenaanshiyaha.


Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com