Dawlada Soomaali Maxay ka Tiri Go’aankii dawlada Kenya ee Hakinta Duulimaadyada?

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, balse kaliya ay arkeen qoraalka kasoo baxay  Maanta lagu baahiyay warbaaahinta.

Wasiirka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay warka kasoo baxay dowladda Kenya maadaama Saddex Cisho ka hor dowladda Soomaaliya shaacisay in la soo celiyay xiriirkii Kenya si labada dal ee deriska ah nolosha isu socodka dadweynuhu caadi ugu soo noqoto.

Wasiirka waxaa uu intaa hadalkiisa ku  daray in dowladda Soomaaliya ay wado wadatashiyo kala duwan, isla markaana ay soo saari doonto go’aan arintaa ku aadan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com