Dawlada oo ka Jawaabtay dibad baxa ay ku baaqeen Mucaaradka

Dowladda FS  waxay sheegtay in mucaaradka aysan kusoo wargelin banaanbaxa ay dhawaan ku dhawaaqeen in jimcaha ay ku qaban doonaan Muqdisho.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa gaashaanka ku dhuftay in Mucaaradku ku soo wargeliyeen dibad baxa jimcaha ay ku baaqeen

“Anaga cid ina tiri waan mudaaharaadeynaa ma jirto..waan maqalnay suuqa ayaan ka maqalnay” ayuu yiri Wasiirka amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo galabta ka hadlayay shir jaraa’id ay ku qabteen Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan banaanbaxa mucaaradka lagu wado inay ku qabtaan ay soo hoos galeyso tallaabooyinka dowladda ay kaga hortageyso cudurka Covid-19 isla markaana aanan la qaban karin.

“Dadka waxay qabaan inay cabiraan dowladnimada ka qeyb ka tahay waana tiirka ugu muhimsan..arrinta ku saabsan mudaaraadka anaga waan maqalnay waxay kamid tahay is aragga guud iyo isu imaatinka guud oo laga hadlay oo wasiiradu ka hadashay ayay qeyb ka tahay.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Jimcaha nagu soo aadan ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.

“Waxaan wax ku dhiseynaa bulshada Soomaaliyeed awaamirta laga soo saaray ee guud ayay qeyb ka yihiin waa gaar ah oo aan anagu mudaaharaad uga hadleyno ma jiraan” ayuu yiri wasiirka amniga.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in dowladda ay ku wargeliyeen banaanbaxa.

“Waa ogeysiinay qoraal baan u dirnay..dowladda waan ogeysiinay wey ogtahay haddii qoraalkaa ha nala soo gudbiyo ay tiraahdana mar kale diyaar ayaan u nahay in aan ugu soo celinno oo aan gaarsiino qoraalka” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsan mucaaradka

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com