Dawlada Masar oo u Hanjabtay Itoobiya

Madaxweynaha Masar Cabdel Fataax Al Sisi ayaa ka digay ‘cawaaqib xumo daran oo ka dhalan karta’ waa haddii biyo xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile uu saameyn ku yeesho biyaha gaara dalkiisa.

“Waxaan mar kale ku celinayaa in uusan jirin qof qaadan kara dibic kamid ah biyaha Masar , haddii ay dhacdana waxaa gobolka ka dhici doonaa xasilooni darro aanan la maleysan karin” ayuu yiri madaxweyne Sisi.

Madaxweyne Masar oo maanta ka hadlayay marinka Suez wuxuu carabka ku adkeeyay in lasii wadi doono wadahadallada kala dhexeeya Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan muranka ka dhashay biyo xireenka Itoobiya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com