Dawlada Maraykanka oo Kordhisay Xaalada deg dega ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay xaaladda degdegga ah ee qaran ee ku saabsan Soomaaliya, sababo la xiriira amni-darrada ka jirta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo taageero ka heleysa dadka deegaanka.

Falalkii joogtada ah ee burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya iyo xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee uu saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horseeday in lagu dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran sanadku markuu ahaa 12-kii April, 2010.

“Xaaladda ku saabsan Soomaaliya waxay sii ahaanaysaa khatar aan caadi ahayn oo ka dhan ah amniga qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu u jeediyay aqalka Congress-ka.

Sannadkii 2012-kii, waxaa la qaaday tallaabooyin la xiriira dhoofinta dhuxusha, taasoo dhaqaale ballaaran ka soo geli jirtay kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan ku takri-falka hantida dadweynaha Soomaaliyeed iyo falal ka dhan ah dadka rayidka ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com