Dawlada Jabuuti oo ka jawaabtay Eedeeyntii dawlada Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan dolwadda federaalka Soomaaliya u jeedisay taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku lahed bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa sheegtay in ay ku mowqif tahya Golahha Nabadda iyo Ammaanka ee midowga, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahya eeda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay: “Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

Waxa uu wasiirku intaasi ku daray: “Jabuuti waxa ay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.”

Dowladda Jabuuti ayaa dhanka kale hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

“Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Dhawaan ayey aheyd markii dowladda Soomaaliya ay wadammada Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com