Dawlada Jabuuti oo ka jawaabtay Eedeeymaha uga yimid Dawlada Soomaaliya

Dawlada Jabuuti aya Jawaab ka bixisay   Eedeyntii Dawlada Federaalka ay u Jeedisay Dawladaasi ee la xiriirtay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD u saartay xiisadda Soomaaliya iyo Kenya.

War Qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in warbixinta guddigaas ay ahayd mid dhex-dhexaad ah waxaana lagu beeniyay eedayamah Dawlada Waqtigeeda uu dhamaaday ee Soomaaliya u jeedisay dalka Jabuuti oo ku saabsan in ay Kenya  Xigsatay.

Qoraalka ayaa lagu yiri ‘ Dowladda Jabuuti waxay  ay xiriir wanaagsan la leedahay labada waddan ee Kenya iyo Soomaaliya islamarkaana ay doonayso in xal dhammaystiran laga gaaro khilaafka labadaas dal.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in guddiga xaqiiqo raadinta IGAD uusan dhex-dhexaad ahayn waxaana ay dowladda Jabuuti ku eedaysay in ay Kenya la safatay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com