Dawlada Jabuuti oo ka hadashay Dagaalada ka socda Itoobiya

Dawlada Jabuuti ayaa sheegtay in ay si dhowq ula socot Dagaalada ka socda Gobolka Tigray ee u dhexeya Ciidamada TPLF iyo Ciidanka Federaalka e Itoobiya
Dawlada Jabuuti ayaa warkaan sheegaty kaddib kulan dhaxmaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo la taliyaha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo lagu Magacaabo Mr Guido Andargachou, kuwaas oo ka wada hadlay dagaalka ka socta gobolka Tigreyga oo ku sii fideysa gobolka oo idil.
War ka soo baxay Wasaarrada Arimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya.
Sidoo Jabuuti waxey xaqiijineysaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Ali ay tahay tan kaliya ee dammaanad qaadaysa midnimada dhuleed ee Itoobiya.
Dhinaca kale, Jabuuti waxay ku baaqeysaa in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatadan gudaha ka jirta ee Itoobiya iyadoo uu hogaaminayo mudane Abiy Ahmed, raiisul wasaaraha Itoobiya.
Ugu dambeyntiina, Jabuuti waxay muujisay inay diyaar u tahay inay taageerto, haddii loo baahdo, dadaallo loogu talagalay in lagu xalliyo

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com