Dawlada Jabuuti oo Digniin U jeedisay Shacabka Dalka Keeda

Dalka Jabuuti ayaa waxaa ka dhaqangalay amar lagu joojiyay isu socodka Xuduudaha muddo 15-cisho ah si loo xakameeyo Cudurka Covid 19 oo kiisas horleh laga diiwaangeliyay Dalkaasi.

Dowladda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa sheegtay in ujeedka ay ka leedahay uu yahay ogaanshaha  halka uu kasoo laba-kacleeyay Cudurka Covid-19 oo kiisas cusub laga diiwaangeliyay qaybaha kamid ah Wadanka Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Muumin Axmed Sheekh ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeystaan muddada 15-cishe ah ee laga joojiyay isu socodka xuduudaha oo dano gaar ah ay ka leedahay Dowladdiisa.

Muumin ayaa sheegay in muddadaas kooban lagu qiimeynayo xawaaraha cudurka, maadaama ay kala garan la’yihiin in sababta kordhineysa ay tahay isu gudubka dadka & in xannuunka uu wali gudaha ku dambeeyo.

Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye ayaa Isna  sheegay in Dowladda ay kordhineyso adeegyada baaritaannada dadka looga shakiyo Cudurkaas si loo hubiyo xaaladda qofka.

 

Jabuuti ayaa ah Dalka 30-aad ee Afrika ee dhinaca kala sareynta Wadamada laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee fayruska Corona, waxaana guud ahaan dalkaas laga helay 5,528 Xaaladood & Dhimashada 61-ruux.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com