Dawlada Federaalka Soomaaliya oo ka digtay in la Cabsi gelio Hay,adaha Garsoorka

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in aysan iib ahayn bahda caddaaladda, islamarkaasna aysan jirin cid cabsi-galin wax uga qaadi-karta.

“Ma jiro qof caddaaladda ka shaqeeya oo iibsami kara, xataa haddii malaayiin dollar la siiyo, haddii ay dhacdana qofkaasi wuxuu banaan joog ka noqonayaa xaydaabka bahda caddaaladda”ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo maanta Muqdisho tobobar uga furayay xeer-ilaaliyaal, garsoorayaal, baarayaal iyo qareeno.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qarnaka ayaa tilmaamay in aysan sax ahayn in Soomaaliya sannad kasta ay kaalinta kowaad ka gasho waddamada ugu musuqa badan adduunka, wuxuu sheegay in sannadkan  sameeyeen bahda Caddaaladda la dagaalankii ugu xooganaa ee dhinaca musaqa, sidaas daraadeena ay rajo badan ka qabaan in aysan kaalin kowaad ka soo muuqan.

“La yaab ma lahan in wadankeena uu musuq-maasuq ka jiro, sababtoo ah waxaan nahay wadan dumay oo wax kasta ay ka bur-bureen, waxaase la yaab leh in la daawado oo aanan waxba laga qaban. Sax ma ahan maalin kasta in aan liiska hore ku jirno muqus-maasuq darteed, waa inaan hufnaan la nimaanaa cida la rabo inay ka shaqaysana waa bahda Caddaaladda” ayuu yiri Dr. Sulaymaan.

Xeer-ilaaliye Sulaymaan ayaa sheegay in xukunaddii dhawaan dhacay ee musuq-maasuqa inay kor u qaadeen sumacada dalka, islamarkan ay maanta siyaasiyiin dowlado kale ay madaxdooda kula talinayaan in cadaalada ka bartaan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com