Dawlada Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Xukun ay riday Maxkamad ku taala dalka Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horraysay ka hadlay lacag kumanaan ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya.

Maxkamadan ayaa DFS ku xukuntay in ay bixiso lacag dhan Boqol, lixdan iyo shankun, shan boqol kontan iyo kow kun oo dollar .

Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga.

Shirkad ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi.

Qandaraaskan ayaa waxa ku kacay $381,487 hase ahaatee shirkadda iyo safaaradda ayaa isku-maan-dhaafay fulinta qandaraaska taas oo keentey in gabi ahaanba la baabi’iyo mashruuca.

Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay BBC in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamadda iyo xukun lagu riday midna.

Waxa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacwaysay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com