Dawlada Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay Hadalkii Madaxweynaha Faransiiska uu ugu gafay Nabigeena Muxammed {NNKH}

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubane Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

“Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somalia.

“Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.” Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com