Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Markii Ugu horeysay ka hadashay Cambareeyn ay kala kulantay Caalamka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii u horraysay jawaab ka bixisay dhaleecayntii uga timid dalal ka tirsan Beesha Caalamka oo si adag u dhaliilay Hannaanka loo maray Xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre.

 

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Axaddii Shalay Shir deg deg ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka codsaday dalalka Beesha Caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida Soomaaliya iyo Go’aannada ay gaaraan hay’adaha Dastuuriga ah ee Dalka.

Golaha ayaa sidoo kale dalalka Beesha Caalamka ka codsaday in wixii talooyin ah oo ay Soomaaliya u hayaan ay ku soo gudbiyaan marinka Dibloomaasiyadda waxaana ay ka mahadceliyeen taageerada dhinacyada kala duwan leh ee Beesha Caalamku siiso Soomaaliya.

Dhinaca kale Golaha Wasiirada Soomaaliya waxay go’aamiyeen in la dardar geliyo Hawlaha shaqo ee Dowladda si aysan Shaqadaas hakad u gelin Kalsooni kala noqoshadii Golaha Wasiirada ayna u sii socdaan adeegyada Xukuumaddu u hayso Bulshada.

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed khadar ayaa shir Gudoomiyay Kulankii Golaha Wasiirada shalay ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com