Dawlada Federaalka Soomaaliya oo Ciidamo kumaandooska Gor Gor ka Tirsan geysay gobolka Gedo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa degmada Doolow ee gobolka Gedo ka dejisay ciidamo ka tirsan kumandooska Gorgor.

Ciidamada oo diyaarad gaar ah waday ayaa la sheegay inay ku wajan yihiin Degmooyinka Baladxaawo iyo  Ceelwaaq oo dhawaan ay ka dhaceen rabshado u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqtiyo kala duwan ciidamo geysay gobalka Gedo, sidoo kale gobolkaas u magacowday maamul ka madax bannaan dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in doorashada xildhibaanada federaalka ee Garbahaarey aysan dhici doonin, inta ciidamada Dowladda Federaalka ku sugan yihiin gobolka Gedo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in kahor doorashada xildhibaanada federaalka, xal laga gaaro arrimaha u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arrinta Cidamada la geeyay gobolka  Gedo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com