Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa aaladda fogaan aragga kulan kula qaatay Mason Jocelyn oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka horumarinta mashaariicda ee UNDP,
Kulanka ayaa looga hadlay Arimo badan , waxayna ku heshiiyeen in si wada jir ah loo fuliyo dhammaan arrimaha muhiimka u ah sidii loo heli lahaa Caddaaladda Soomaaliya iyo sidii bulshada ay u heli lahayd xukunno calaadda ah.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cabdulqaadir, ayaa la wadaagay in uu ku faraxsan yahay shaqada wanaagsan ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday inay xoojin doona u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com