Dawlada Federaalka oocambaareesay Weerarkii Hoobiyaasha ahaa ee shalay lagu qaaday Xerada Xalane

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa weerarkii   hoobiyayaasha  ahaa lagu qaaday xarunta Xalane ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa u qorna Sidaan:

Weerarkan fuleynimada ah waa isku day la doonayo in lagu wiiqo taageerada muuqata ee bulshada caalamka iyo dadaalkooda ku aaddan dhismaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Weerarkan hoobiyeyaasha ah ayaa cadeynaya iskudayada taagta daran ee argagixisada oo miciin biday in ay beegsadaan samafaleyaasha u yimid dalka si ay u caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada gargaarka binu aadantinimo, kaddib markii ay u midoobeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagaxisadaas.

Qorsheyaasha mideysan ee geesinimada leh ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan argagixisada laguma weecin doono ficilladan fuleynimada ah ee ay soo maleegeen argagixisadu, sidoo kale kama niyad jabinayaan walaalaha iyo saaxiibada Soomaaliya inay sii wadaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin dalkeenna.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay kor u qaadday feejignaanta amni, iyadoo baaritaan dhammeystiran ku sameynaysa weerarkan hoobiyayaasha ah ee argagixisadu soo qaadday iyo duruufaha amni ee ku xeeran weerarkan.

Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino bulshada caalamka iyo shaqaalaha samafalka in dowlada ay sii wadi doonto la shaqeynta daneeyayaasha ammaanka si loo xaqiijiyo badqabka samafaleyaasha caalamiga ah.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com