Dawlada Federaalka oo ugu baaqday Qaramada midoobay siideynta Soomaali lagu karantiilay xerada Xalane

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS, Dr. C/llaahi Xaashi Cali  ayaa waxaa  lagu amray in la sii daayo 4 qof oo Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay inay qabaan COVID 19, kuwaasi oo ku xiran Isbitaalka Heerka 2-aad ee QM/AMISOM oo ku dhex yaalla Xarunta Xalane ee magaalladda Muqdisho.

Dadka la codsaday in la sii daayo ayaa waxaa ku jira qof la sheegay in horey loo baaray, lagana helay COVID 19.

Ninkaasi oo lagu magacaabo Axmed Yuusuf Yaasiin waxaa la sheegay in baaritaankii 1-aad laga helay COVID 19, balse, labo baaritaan oo kale laga waayey, sida ku cad Natiijadda Baaritaanada ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ka qaadeen Ninkaasi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS waxaa kaloo lagu sheegay in saddex qof oo kale oo lagu karantiilay Isbitaalka QM/AMISOM ee Xarunta Xalane laga waayey Cabauqaasi, kadib, markii labo jeer baaritaan lagu sameeyey.

Saddexdaasi qof waxaa magacyadooda lagu kala sheegay: C/Casiis C/risaaq Osman, Ducaale Jaamac Maxamed iyo Ibraahim Maxamed Yaasiin.

Wasaaradda Caafimaadka waxay kula Talisay QM iyo AMISOM in dadkaasi la sii daayo, maadaama ay dhamaysteen xilligii Karantiilka, isla markaana aysan jirin khatar ay ku faafin karaan Caabuqaasi.

Ugu dambeyntii, Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshadda ee XFS waxa uu ku baaqay in Muwaadiniintaasi lagu karantiilay Isbitaalka QM/AMISOM in la sii wada daayo laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 30-ka bisha Maarso ee sanadka 2020-ka.

Halkan ka akhriso Qoraalka Wasaaradda Caafimaadka oo Luqadda English ku qornaa: