Dawlada Federaalka oo soo rogtay Amaro lagu xakameeynaayo Cudurka Covid19

 Wasiirka Warfaafinta ee dowladda federaalka Soomaaliya, Abuukar Cusmaan Dubbe, ayaa ku dhawaaqay go’aanno ay dowladdu amarro ugu soo rogtay shacabka.

 Abuukar Dubbe ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay soo saartay amarradan:

1- In dhammaan goobaha wax barashada albaabada la isugu dhufto muddo labo isbuuc ah oo ka billaabaneysa barito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da bisha March 2021 ayna xirnaadaan ilaa 17-ka bishan March, 2021-ka.

Amarkan ayaa si siman u ugu wajahan xarumaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa ay dowladdu maamusho intaba.

2- Shacabka waxaa khasab looga dhigay in ay xirtaan maaskarada wajiga marka ay joogaan meel walba oo la isugu imaado sida; goobaha shaqada, Masaajidyada, gaadiidka dadweynaha iyo goobaha ganacsi iyo meel kasta oo ay dadweyne isugu yimaado.

3- Xafiisyada dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo labo isbuuc ah oo ka billaabaneysa 3-da bisha March 2021.

Shaqaaluhu ay kasoo shaqeeyaan guryahooda. Waxaa xafiisyada ku hari doona oo kaliya kuwa bixiya adeegyada lagama maarmaanka ah.

4- Isu socodka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka waa la dhimi doonaa muddo labo isbuuc ah, oo ka billaabaneysa 3-da bisha March 2021 ilaa 17-ka bishan March, 2021-ka.

5- Gaadiidka dadweynaha iyo kuw akhaaska ahba si caadi ah ayey usii socon doonaan gudaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadka saaran ay xirtaan maaskaro ayna hubiyaan kala fogaanshaha bulshada.

6- Waxaa muddo 30 maalmood ah la joojiyay xafladaha, gaar ahaan kuwa aroosyada, iyo kuwa kale ee la isugu imaado, sido kalena waxaa la mamnuucay goobaha caweysyada ee ay habeenkii dhalinyaradu ku kulmaan.

7- Mootooyinka, bajaajleyda, basaska waxaa loo ogol yahay inay qaadaan rakaab, waana in ay dhowraan nadaafadda, dadkuna kala fogaadaan, ayna qaataan maaskaro.

8- Kulamada dadka wixii ka badan 10 qof waa la joojiyay, waxayna hakad ku jiri doonaan muddo hal bil ah. Isusoobaxyada khaaska ah ee heysta rukhsadaha waxaa ku xiran shuruudaha kala ah;

  • In dadka isu soo baxaya ay isu jiraan labo mitir
  • In qof kasta oo imaanaya isusoobaxa uu soo qaato maaskaro

9- Garoomada ciyaaraha iyo goobaha jir dhiska waxaa la xirayaa muddo labo toddobaad ah oo ka billaabaneysa 3-da bishan March.

10- Kulamada tacsida, aaska iyo qabuuraha waa in aysan dadka tagaya ka badnaanin 10 qof, iyadoo la hubin doono kala fogaanshaha bulshada iyo qaadashada maaskarada.

11- Wasaaradda caafimaadku waxay adkeyneysaa ilaalinta fayo-dhowrka guud ee goobaha ay dadku isugu imaadaan, sida suuqyada, masaajidyada, isbitaallada, bangiyada iyo goobaha la midka ah si loo yareeyo faafidda cudurka Covid-19.

12- Waxaa waajib ah in dhammaan dadka adeegyada usoo doonta ama jooga goobaha caafimaadka ay mar kasta xirnaadaan maaskaro, sida isbitaallada iyo farmashiyeyaasha.

13- Waxaa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiyada ay qaataan maaskaro.

14- Dadka dhoofaya ama dalka soo galaya xukuumaddu waxay kasoo saartay go’aannadan:

  • Qof walba oo imaanaya ama ka dhoofaya dalka waa inuu si joogto ah u qaataa maaskarada si loo yareeyo faafidda cudurka Covid-19
  • Waa in dadka safraya ay maraan baarista xanuunka Covid-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista, si ay isaga hubiyaan in aysan qabin xanuunka Covid-19 ka hor 72 saacadood inta aysan safrin
  • Qof aan wadanin shaqaahada baaritaanka Covid-19 oo muujineysa in uusan qabin cudurka looma oggolaan doono inuu soo galo dalka
  • Waxaa waajib ah qofku inuu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood gudahood ah, marka uu dalka imaanayo
  • Shirkadaha diyaaradaha waa in ay farriimaha ka hor tagga Covid-19 daabacaan, una sharraxaan rakaabka si loo ilaaliyo fayo-qabka inta lagu gudajiro duullimaadka
  • Dhammaan dadka ka imaanaya dalka dibaddiisa waa in ay si iskood ah isu karantiilaan muddo 7 maalmood ah, islamarkaana maraan tijaabada sheybaarka ee BCR marka ay dhammeystaan muddada karantiilka

15- Ciidamada Amisom iyo ciidamada ilaaliya xarumaha UN-da waxaa la farayaa in ay raacaan habraaca ay UN ugu talogashay ka feejignaanta cudurka Covid-19., si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka.

16- Dhammaan hayadaha dowliga ah ee ku shaqada leh howlaha garoomada diyaaradaha dalka waa in ay si dhow uga wada shaqeeyaa arrimaha duullimaadyada dadka imaanaya, si loogu diyaariyo jawi caafimaad qab ah, loogana taxaddaro faafitaanka cudurka Covid-19.

17- Waxaa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in ay sida ugu dhaqsiyada badan usoo diyaariso habraac lagu hubiyo bad-qabka dadka ka imaanaya dibadda, islamarkaana lagaga qaado baaris rasmi ah, marka qofku uu soo dago, qofka Covid-19 laga helana lagu karantiilo, iyadoo uu qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono kharashka karantiilka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com