Dawlada Federaalka oo si qarsoodi ah Ciidamo uga qoraneysa Somaliland, Puntland iyo Galmudug

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in si qarsoodi ah  ciidan qoris uga  wado degaano ka Tirsan  Somaliland.

Illo Wareedyo u waramay warbaahinta  Aragti Cusub ayaa u xaqiijiyay magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood Dawlada Federaalku ka sameysatay xarumo qarsoodi  ah oo  lagu  diiwaan-geliyo  dhalinyarada Somaliland ee ku biiraya ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Degaano badan oo ka tirsan gobolada Somaliland, ayaa lagu soo Warramayaa in dhalinyarada laga keeno, kadibna si qarsoodiya looga diiwan-geliyo magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo, sida ay sheegeyso xogta ay heshay warbaahinta Aaragticusub.

Kooxdaan Dhalinyaradaee laga diiwan gelinaayo  deganada Soomaaliland  ayaa la sheegaa in tababar dibadda ah loo qaadayo ,si  ay ugu  biirayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ,Dawlada Federaalka ayaa la sheegayaa  in si qarsoodi ah magaalada Gaalkacyo uga  qortay dhalinyaro ka soo jeeda degaanada  Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo loo sheegay in tababar ciidan loo qaadayo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com