Dawlada Federaalka oo shaacisay Magacyada Qareenada Difaacaya Dacwadda Kiiska Badda Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay  magacyada Qareennada difaacaya Kiiska Badda Soomaaliya ee yaala Maxkamadda ICJ.

Qoraal ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in aysan wax isbeddel ah ku samayn Qareennada difaacaya Kiiska Badda Soomaaliya oo sida qorshaysan la dhegaysan doono 15-19 bisha Maarso 2021.

Qareennada difaacaya kiiska Dacwadda Baddeena wax isbaddal ah marnaba laguma sameynin, walina iyagii ayaa nagu matali doona difaaca iyo dhagaysiga oo loo madlanyahay 15-19 Maarso, 2021. “

Qoraalka ka soo baxay Dawlada Federaalka ayaa  waxa lagu sheegay Kiiska ay difaacayaan Saddex Qareen oo kala ah Paul Riichler, Prof. Philippe Sands iyo Prof. Alain Pellet.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com