Dawlada Federaalka oo safiir cusub u magacaawday Dalka Turkeministan

Haweeneyda Guddoomiyaha ka ah Barlamaanka dalka Turkemenistaan, Gulshat Sahyewna Mammedova waxay Waraaqaaha Aqoonsiga Danjirenimo ka guddoontay Danjirahacusub ee Somalia uga wakil noqon doona dalkaasi, Ambassador Jaamac C/llaahi Maxamed, ahna  Danjiraha Somalia u jooga dalka Turkiga.

Wakaalladda Wararka Turkmenistan ee Trend News Agency oo aan Warkan ka soo xiganay waxay sheegtay inuu Danjire Jaamac C/llaahi Maxaned  sheegay  muhiimadda weyn ee ay Somalia u leedahayHorumarinta Xiriirka Labada Waddan ee dhinacyadda Ganacsiga, Dhaqanka,Dalxiiska, Ciyaaraha iyo Hawlaha Samafalka.

Danjirahacusub ee Somalia uga wakil noqon doona dalkaasi oo fadhigiisu dhexe yahay Caasimadda Turkiga ee Ankara waxa kale oo uu Nuqul ka mid ah Waraaqihii Magacaabista Danjirenimo bishaan 17-dii u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalkaTurkeministaan.

Hadal uu ka jeediyey Munaasabadaasi, waxa uu ku sheegay isagoo ah Danjirihii ugu horeeyey ee Somalia uga wakil noqda Turkemenistaan inuu dadaal ku bixin doono Deganaanshaha Horumarinta ee Xiriirka labada Waddan.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xariiqay Khibradda Wada-shaqeyntaee Jadwalka Shaqo ee Hay’addaha Caalamiga oo ay QM ugu weyn tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Ambassador Jaamac C/llaahi Maxamed ayaa noqonaya Danjiraha Somalia uga wakiil ah Turkiga iyo Turkeministaan.

Waxaa xilka Danjiraha Somalia ee Turkiga loo magacaabay bishii May ee sannadkii 2017-kii, iyadoo uu MadaxweynahaTurkiga, Rajab Dayib Erdogan ka guddoomay Waraaqahiisa Aqoonsiga bishii August16-dii isla sanadkii 2017-kii.