Dawlada Federaalka oo la wareegaysa Iskuul ku yaala muqdisho

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhowaan la wareegi doonto Iskuulka 15-ka May ee ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay hadda gacanta ku hayaan guddi Masaari ah.

Sidoo kale dowladda Federaalka ayaa tilmaamatay in Iskuulkaas laga dhigi doono Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Go’aankaas ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Soomaaliya ay dib uga laabatay taageeridda qaraarkii Masar ee Webiga Niil ee Shirkii Jaamacada Carabta oo Soomaaliya sheegtay in ay dhex-dhexaad ka noqotay.