Dawlada Federaalka oo Ku Dhawaaqday in la Furay Sanduuq Sakada laga bixiyo

Awqaafta iyo arrimaha Diinta dawladda Federaalka Soomaaliya  ayaa furtay santuuqa Sakada laga bixiyo maalka, taas oo loogu talagalay in si Wanagsan loo gaarsiiyo dadka saboolka ah.
Kulan lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, culimaa’udiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu shaaciyey in santuuqaasi uu furanyahay, lana doonayo in dadka hantidooda ka bixinaya Sakada ku waajibtay inay halkaasi soo marsiiyaan.

Cismaan Aadan Dhuubow sii hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso shuruucdii lagu maamuli lahaa santuuqaasi, uuna rajaynayo inuu noqdo mid taabagal ah oo wax ka tara baahiyaha bulshada saboolka ah.

Sadiiq Xirsi Warfaa sii hayaha wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka hantida leh looga baahanyahay inay santuuqaasi u adeegsadaan kaalmaynta danyarta iyo bixinta xaqa hantidooda ku waajibay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com