Dawlada Federaalka oo kala ceyrisay shacab Isugu soo baxay Muqdisho+Sawiro.

Ciidamo ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa awood u adeegsatay Dibad-baxayaal si nabad ah isu’gu soo baxay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Bannaan-baxa ayaa sida la sheegayo looga horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana soo qaban-qaabiyay Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka dhisan Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka walaacsan Arrimaha Doorashooyinka Dalka

Dowladda Federaalka ayaa Ciidamo geysay Daljirka Dahsoon halkaas oo ay isu’gu soo baxeen dadka Bannaan-baxa sdhigayay  si ay dareenkooda u muujiyaan.