Dawlada Federaalka oo ka War bixisay Kiisaskii ugu dambeeyay Cudurka Covid19

Wasaarada Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 191 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Karoona halka iyo 20 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadkaFowziya Abiikar Nuur  ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,669 qof.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Guud ahaan kiisaska cudurka waxay gaarayaan 8,041 halka dhimashadu ay tahay 294.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com