Dawlada Federaalka oo ka hadashay Halka lagu qaban doono shirka Golaha Amniga Qaranka

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo o ayaa iclaamiyey in Kulanka Golaha Amniga Qaranka lagu qaban doono Muqdisho

Madaxweynaha DFS waxa uu mar kale casuumaad u fidiyey Madaxda Dowlad-gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir, kadib, markii Casuumaadii hore la isugu imaan waayey sababo la xiriira Madaxda D-Gobaleedyada oo ku kala Aragti duwanaa Siyaasad ahaan iyo Waaqiciga Taagan ee Ka-qeybgalka Shirkaasi.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada ee Villa Somalia oo ku qornaa Luqadda English-ka ayaa waxa lagu casuumay casuumay Madaxda Dowlad-gobaleedyada iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir inay ka soo qeyb galaan Shirka Golaha Ammaanka Qaranka oo bisha soo socota ee July 5-da ilaa 8-da ka dhici doona magaalladda Muqdisho.

Ajendayaasha Kulankaasi looga hadli doona waxaa lagu sheegay inay kala yihiin:

Sidii Wada-tashiyo ballaaran looga yeelan lahaa Doorashooyinka Dalka,
Arrimaha Amniga,
Dhamaystirka Dib-u-eegista Dastuurka KMG ee Qaranka
Horumarinta Dhaqaalaha dalka.
Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somalia waxaa kaloo lagu xusay in Kulankaasi looga tashan doono Dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Kooxha Argagixisadda, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, Shirka Golaha Ammaanka Qaranka ee uu Madaxweyne Farmaajo iclaamiyey waxaa la sheegay inuu dhammeystir u yahay guulaha Siyaasadeed, Amni iyo Dhaqaale, isla markaana uu Shirkaasi jihayn doono Geeddi-socodka Dimuqraadiyeed ee dalka.