Dawlada Federaalka oo Diiday Dibad baxyada lagu qabto Muqdisho

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo  ka hadlayey shir jaraaid oo lagu qabtay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diiday dibadbaxyada lagu qabto magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in la joojiyey bannaanbax haddii uu yahay mid lagu taageerayo dawladda iyo mid looga soo horjeedaba labadaba. Waxa uu sheegay in bannaanbax uu yahay sharcidarro. Waxa uuna tilmaamay  inaan loo baahnayn in isku soo bax la sameeyo. Waxa uu sheegay in dawladda iyo kuwa aan dalwadda ahaynba ay adeegsadaan warbaahinta si ay warkooda u gaarsiiyaan dadka.

Maalintii shalay ayey Golaha Midowga Musharrixiintu sheegeen inay qabanayaan bannaanbax maalinta Jimcaha ee 26-ka Febraayo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com