Dawlada Federaalka oo Ciidamo Dhar shacab wata ku daadisay Wadooyinka Muqdisho

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo geysay Xaafadaha Magaalada Muqdisho

Ciidamadaan oo isgu jira dharcad iyo kuwo labisan ayaa ah kuwo ku hubeysan Bastoolado iyo qoryaha kale ee Fudud

Ilo wareedyo u waramay watbaahinta aragti cusub ayaa sheegay in ciidankaas  ay yihiin ciidamo si gaar ah u hoostaga madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo la doonayo in looga hortago dibad baxyada ay abaabulayaan midowga musharixiinta oo ku baaqay  in maalinta jimcaha ah laysugu yimaado taalada Dalka Jirka Daahson

Ciidamada Dharcadka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ka tirsan yihiin Nabad Sugida Soomaaliya iyo Booliska kuwaas oo wata dhar shacab balse Hubeysan

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com