Dawlada Federaalka oo Cambaareeysay Dilkii ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe

Sii haayaha Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Mahdi Maxamed Guleed Khadar ayaa cambaareeyey fal dil ah oo ka dhacay degmada raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay Culimo aan waxba geysan .

Waxaa uu tacsi u diray Qoysaskii iyo Ehelkii ay ka baxeen ay ka baxeen macalimiintii la dilay, xilli ay Qur’aan subcinayeen, taas oo uu ku tilmaamay fal guracan oo laga xumaado.

“Aad baan uga xumahay dilka culimmada loogu geystay deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellada dhexe, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa eheladii ay ka bexeen, Culimadu waa biri-mageydo ay reebban tahay in la waxyeelleeyo. kuwii falkan geystay waxaa la marin doonaa sharciga” ayuu yiri mudane Mahdi Maxamed Guuleed Siihayaha  xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Ilaa 6-ruux oo 5-ka mid ah ay Culimo ahaayeen ayaa saaka lagu dilay deegaanka  Buurdheere oo ku yaala inta u dhexeysa Raaga Ceele iyo Degmada Cadale ee gobolshabeelaha dhexe, waxaana falkaas ku dhaawacmay hal ruux, kaas oo dhaawaciisa la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com