Dawlada Federaalka iyo Hay’adda WHO oo Maamulka Galmudug ku wareejiyay Agab Caafimaad

Wasaaradda caafimaadka Maamulka Galmudug ayaa Dawlada  Soomaaliya  iyo hey’adda WHO kala wareegtay agab caafimaad oo isugu jira kuwa looga hor tagayo iyo qalabka lagu baaro safmarka COVID-19.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaCaafimaadka Galmudug  Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa sheegay in agabkan la gaarsiin doono dhammaan isbitaaladaGalmudug , isagoo u mahad celiyay dowladda federaalka iyo WHO sida ay uga jawaabeen codsigii ay u gudbiyeen.

Cudurka Caronavirus ayaa ku baahay degaano ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya  waxana dawlada Federaalka iyo maamulada ka jira gobolada dalka ay wadaan dadaalo lagu xakameynaayo cudurkaan

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com