Danjirihii hore Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo Eedeeyn Kulul u Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ka hadley xaaladda Soomaaliya ee xilligan, gaar ahaa is-mari waaga arrimaha doorashada, isaga oo si xun u weeraray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Danjire Stephen oo u Warramay VOA ayaa ka hadlay xaaladda ay xilligaan  ku jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xaaladda Soomaaliya ay hadda tahay mid aad qatar u ah, wuxuuna madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inuusan marnaba ku fakarin inuu qabto doorasho afartii sano ee uu xilka hayey.

“Xaaladda waa mid qatar ah oo nasiib darro xambaarsan, waxay ila tahay looma baahneyn in xaaladda sidaan noqoto, balse haddii aan fiirino sida ay aheyd xaaladda Soomaaliya afartii sano ee ugu dambeysay ee Farmaajo, waxaa jiray dhaqan joogto ah oo muujinayey inuusan rabin in la helo hanaan doorasho, lama qaadin tallaabooyinkii muhiimka u ahaa doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Stephen.

Sidoo kale Stephen ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyey inuusan waxa xiriir ah la yeelan madaxda maamul Goboleedyada ee ka jira Soomaaliya marka laga reebo kuwa uu isaga ka caawiyey inay xilka qabtaan.

Hadalka Danjiraha ayaa ku soo aadaya Xilli Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Dalka Koongo halkaas oo uu u joogo sidii uu taageero uu ughu heli lahaa muddo kororsiga  loo sameeyay Hay’addaha Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com