Danjire James Swon iyo Axmed Madoobe oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe  ayaa xalay kulan la qaatay Wakiilka gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan oo ka dhacay hoyiga uu Axmed madoobe   ka dagan yahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xerada Xalane

Madaxweynaha Jubland Axmed Axmed Madoobe iyo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada  midoobay Ugu qaabilsan Arimaha Soomaaliya

Ayaa wararka ay sheegayaan in ay ka wadahadle doorashooyinka Soomaaliya iyo Sidii isfaham looga gaari lahaa,

Qaramada midoobay ayaa la sheegayaa in si toos ah ay ula wareegtay shirka looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka  iyado madaxda maamulada  Koofur Galbeed iyo Galmudug oo ku maqan safar dhinaca dibada ah ay soo garin doonaan magaalada muqdisho si ay shirka uga qayb galaan halka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni uu isna isla maanta uu soo gaari doono Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com