Qormo: Danjire Caalim oo Is bar bar dhig ku sameeyay Alshabaab iyo Madaxweyne Farmaajo

Waxaan doonayaa inaan fallanqeeyo khudbaddii Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo uu kaga hadlay marxaladihii uu soo maray wada-hadalka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo soo billowday sanaddii 2017-ka.

InkastooMadaxweyne Deni, uu ka horreeyay khilaafkani haddana waxaa rabaa inaan dhowr qodob ka eegno xaaladda cakiran ee Soomaaliya,

si aad u fahantaan halka ay daaran tahay Falanqeyntayda

Marka hore Saciid Deni, Farmaajo iyo anigaba waxaa nahay dadkii dhashay dhowr iyo lixdameeyadii, oo haykal dowladnimo soo arkay xilligii barbaarnimadooda.

Ka danjire maxamed caalim ahaan maadaama aan waayo joog u soo ahaa marxalado kale duwan oo ina soo maray

waxaa aad ii dhibaysa in dalka dib loogu celiyo qaladaadkii ay sameeyeen raggii millateriga ahaa ee Kacaanka u madaxda ahaa iyo siyaasiyiin la wada garanayo.

Haddaan dib ugu laabto, hadal-jeedintii Saciid Deni oo dhinacyo kale duwan quseysay haddana waxaa la odhan karaa waa mid si fiican u sifaynaysa shakhsiyadda dhabta ah ee madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo.

Waxaa hadalkii Deni ka dhadhansaday hadallo lagu xaman jiray Farmaajaha oo ah in ay ku beeran tahay cuqdad la xiriirta nacayb bulsho oo sababsaday kaliya reerka uu Alle ka beeray bulshadaasi.

Waxaa sidoo kale khubaddii Deni ku jirtay arrin qatarteeda leh oo uu uga digay shacabka Soomaaliyeed, taasoo ah qorshaha gurracan ee Farmaajo oo aaminsan in dalka qori caaraddiisa uu ku maamuli karo.

Qatarta kale waa ciidanka loogu yeedho Gorgor oo madaxweyne Deni uu sheegay in ay yihiin Manaxayaal aan wax naxariis lahayn, islamarkaana u tababaran sidii Alshabaabka oo kale

Haddaba qodobadani soo socda marka ay jiraan waxaa maskaxdaada ku soo dhacaysa su’aasha odhanaysa “Kaligii taliye iyo Alshabaab kee baan la dagaalannaa?!”

  • Haddii doorashadu tahay mid dadban suurtagal sidee ku noqonaysa Puntland iyo Jubbaland oo maqan in laga qabto dalka?

2- Ciidamo u abaabulan hab gaar ah oo ka baxsan kii lagu heshiiyay ee dhismaha ciidanka kuwaasoo laga xulay xoogag loogu magac daray “Waddaniyiinta”

3- Ciidanka Gorgor oo uu samaystay Farmaajo kuwaasoo xadgudubyo dagaal ka fuliyay Baydhabo, Dhuusamareeb, Gedo iyo wixii Daljirka Dahsoon ka dhacay, illaa haddana DFS aysan ka garaabin

4- Farmaajo oo casharro siyaasadeed iyo kaligii-talisnimo ka baranaya Macallinkiisa siyaasadda ee hoggaamiyaha dhiigga shacabkiisa kursiga ku fadhiya ee Asias Afawerkiga Eratariya

5- In kooxda Villa Somalia ay bulshadii Soomaaliyeed ula dagaallamayso si waali ah, iyadoo adeegsanaysa qabiil iyo ciidan aan sharci ku dhisnayn

6- Guddiyadii doorashada oo la rabay inay u sinnaadaan musharrixiinta oo madaxtooyadu ay ka soo qoratay xafiisyada wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adda NISA

7- Ciidamadii oo ku milmaya khilaafka siyaasiga taasoo keeni karaysa gacan ka hadal, iyadoo dastuurkayagu uu xaaraantimeeyay in ciidanku ay qeyb ka noqdaan arrimaha siyaasadda

8- In nidaamkii dimuqraadiyadeed iyo haykalkii dolwadnimo ee Farmaajo lagu wareejiyay afar sano ka hor uu ku soo koobay Villa Somalia iyo Garbahaareey

Marka caqabadahaas iyo kuwa kale oo tan amniga ay ugu horreeyso ay dalka ka jiraan ma waxaa la dirirnaa kaligii-taliyaha macangagga ah ama argagixisada Alshabaab?

Inkastoo jawaabta su’aashani aynaan fududayn, haddaan la helin heshiis siyaasadeed oo daah-furnaan ah oo caddaynaya in doorashada si hufan oo furfurnaan ah looga wada qeyb-gelayo.

Tan ugu muhiimsan waxaa weeye, in dowladda madaxweynaha waqtigiisu uu dhammaaday uu illaa maanta joojin in aan lacag laga bixin karin qasnadda dowladda federaalka,

maadaama muddadii sharciyadda ahayd ay ka idlaatay, islamarkaana tuhunka la qabo uu yahay qalalaasaha iyo doorashadaba in kooxda Villa Somalia ay u adeegsanayso hantidii qaranka.

Danjire Mahamed Caalim

 

Wabillaahi Towfiiq

Espoo, Finland

caalim68@hotmail.com

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com