Danjiraha Dawlada Uk ee Soomaaliya oo Rajo ka Muujiyay Natiijada Shirka Dhuusamareeb

Danjiraha Dawlada Uk ee Soomaaliya u qaabilsan Mr. Ben Fender ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Dhuusamareeb Natiijada ka soo bixi doonto Wuxuuna sheegay Madaxda ka qaybgalaysa shirkaasi uu guul u rajeynmaayo.

“Soomaalida ayay u taallaa sida ay doorashada u abaabulayaan. Waxaan jeclaan lahaa inaan idin la wadaago in saaxibbada Soomaaliya aysan doonayn waqti kordhin, ama maamul ku meelgaar ah. Doorasho qabsoonta ayay doonayaan” ayuu Safiirku yiri.

Wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay danta Soomaaliya ka hormariyaan tooda gaarka ah  “Taariikhda ayaa xusi doonta dadka ragaadiya geeddi-socodka doorashada” ayuu yir Ben Fender i.

Magaalada Dhuusamareeb waxa ku sugan Madaxd ugu sre Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada waxana la filayo in shirka Dhuusamareeb oo ah kii ugu dambeeyay natiijo wanaagsan ay ka soo baxdo. .

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com