Dilal ka dhacay caawa magaalada Muqdisho.

Dilka 1aad ayaa ka dhacay Xaafada Juungal ee degmada Yaaqshid, waxaana lagu qaarajiyey Nabadoon lagu magacaabi jiray, Maxamed Xasan Nuur Muuse.

Nabadoonka ayaa lagu dhex dilay hoygiisa, xilli uu akhrisanayey kutub Qur’aan ah, waxaana dilka fuliyey rag wata bistoolado, oo kolkey dilka gaysteen, si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Xaafada waxaa gaaray Ciidamo boolis ah, oo halkaasi ka sameeyey howlgallo aan cidna lagu soo qaban, waxaana Ilaa hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyada dilka AUN Maxamed Nuur.

Maqribnimadii Caawa ayaa sidoo kale degmada Dharkeenley lagu dilay ganacsade caan ka ahaa Xaafadaasi, oo lagu magacaabi jiray Cali C/qaadir Muudeey, kaasoo xiligii la dilayey ku sugnaa agagaarka Far-mashiye uu ku leeyahay Xaafada Mac-macaanka.

Dilka ayaa waxaa gaystay labo nin oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ku hubeysnaa bistoolado, iyadoo Ciidamo boolis ah oo marayey goobta uu falku ka dhacay ay toogteen mid ka mid ah raggii dilka gaystay, halka kii kalana uu baxsaday.

Lama ogga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa falkan dilka ah, hase ahaatee waxaa jirta in ganacsadahan la dilay ay wada dhasheen Xildhibaan Xasan C/qaadir Muudeey oo ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Amni darrada ayaa maal-mahan ku baaheysa gudaha Caasimada, mana jirto jawaab sugan oo laga hayo, hay’adihii amniga ee arrintaasi u xil-saarnaa, kuwaasoo aadba iminka mooda ku hurda dheer ku jira, oo aan ka damqaneynin dhiigga dadka rayidka ah ee sida macno darrada ah u daadanaya.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragtiCusub.com