Dalalka Hindia, Pakistan, Bangladesh, iyo Iran oo maanta Ciidayo.

Qaar kamid ah dalalka ayaa Maanta oo talaada ah waxaa ay bilaabayaan dabaal-dega maalinta koowaad ee Ciiddul Fitriga, waxaana dalalkaas ay shalay oo Axad aheyd dhammeystireen 30-ka bishii Ramadaan.

Dalalka Maalinta kow u tahay Ciiddu Fitriga ayaa waxaa kamid ah Hindia, Pakistan, Bangladesh, iyo Iran, iyadoona saaka laga tukanayo salaada Ciidda oo kummanaan Muslimiin ah isugu tegayaan goobo fagaare ah oo lagu tukanayo salaada.

Shalay oo Axad aheyd ayaa waxaa siweyn maalinta koowaad looga ciidday dalalka Islaamka ee kala ah Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Suudan, Soomaaliya, CIraq, Kuwait, Sacuudi Carabia, Yemen, Turkiga, Tuniisiya, Suuriya, Falastiin, Qadar, Lubnaan, Liibiya, Masar, iyo Mauritaniya  iyo dalalka qaaradda Yurub.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa maalintii labaad Ciiddul Fitriga siweyn looga Ciiddayaa, iyadoona dadweyne farabadan oo isugu jira Carruur, dhallinyaro, Haween iyo Odayaal u damaadshaad tageen goobaha dadka isugu tegaan, si ay farxada Ciida iskula qeybsadaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com