Dagaalo U dhexeya Cafar iyo Soomaali oo ka dhacay Dhulka Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya

Degaanka Ceydal oo ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay dirir ku dhex martay ciidamo ka tirsan Canfarta iyo xoola dhaqato ku nool deegaankaas.

Dagaalka oo la sheegay in uu ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in ciidamada canfarta iyo maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqata ah isla markaana ay laayeen dad kale.

Dadka Degaanka ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu xallinayo xiisadda saameysay labada dhinac.

Dagaalada u dhexeya Cafarta iyo Dadka Soomaalida ah ayaa Mudooyinkii dambe ku soo batay Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com