Dagaalka Laascaanood ka socda & Mowqifka Odayaasha Dhaqanka gobolka Sool

Laba Todo baad waxaa magaalada Laascaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deegaanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaankooda.

Hoggaanka Dhaqanka ee ku mideysan Golaha Dhaqanka oo ka kooban 14 qof, oo wada rag ah. Bayaan ay soo saareen ayey ku sheegeen in ay doonayaan inay Somaliland guud ahaan ba isaga baxdo dhulkooda iyo inay qeyb ka noqdaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa ay ku doodeen aysan raalli ka ahayn in dhulkoodu uu qeyb ka noqdo Somaliland oo iyadu sheegtay inay ka go’aday Soomaaliya iyada oo ka masuul ah dhammaan dhulkii Goboladda Waqooyi la oran jiray.

Xiisadda oo ka dhalatay dilal dad aan la aqoonsan ay ka geysteen magaalada iyo dibadbaxyo dabo socday ayaa gaartay heerka ugu sarreeya ee kala-fogaanshiyaha labada dhinac.

Waxaa ugu dambeeyay dilka Cabditifaax Hadraawi oo dhacay 26-kii bishii December ee sannadkii tagey, kaas oo xubin ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta ciidamada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shareeray.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada

Somaliland.

Hoggaanka dhaqanka bulshada Laascaanood ayaa shirkii ugu dambeeyay ee magaalada ku yeesheen ku dalbaday in ciidamada Somaliland ka baxaan dhulkooda.

Golaha dhaqanka waa14 xubnood oo isugu jira sagaal garaad, 2 suldaan iyo 2 ugaas iyo Boqor.

Boqorka waxaa lagu magacaabaa Cabdilaahi Axmed Cali.

Waxaa jira dhowr garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhammaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalka socday maalmihii lasoo dhaafay.

In muddo ahba waxaa si weyn loo hadal-hayay magacyada Afar garaad oo ah kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanka.