Dagaal Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Midowga Musharrixiinta iyo Ciidamo Taabacsan Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay ka dhacay Agagaarka Talada Daljirka Daahson ee Magaalada Muqdisho Dagaalka aya yimid ka dib markii  Hotel ay degan yihiin  .

Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan sheikh Maxamuud  ayaa waxaa ay sheegeen Midowga Musharixiinta Ciidamo ka Amar qaata Madaxweyne Farmaajo ay soo weerareen .

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay  dagaalka balse xaalada ayaa saakay degan lamina oga sida ay isu bedeli doonto madaama maanta loo balan san yahay dibd bax

Dhinaca kale Sii haayaha Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa sheegay in xalay Fariisimo  ciidanka Dawladu ay leeyihiin ay soo weerareen Maleeshiyo balse ma uusan Faah Faahin maleeshiyada iyo waxa ay  ahaayeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com