Dagaal xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Magaalada Baaladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay  Halkaasi uu dagaal ka dhacay

Dagaalka ayaa u dhexeeyay Ciidamo Militari ah iyo Kuwo Booliska Hirshabeele

Ciidanka Militariga oo wata gaadiid dagaal ay weerareen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka Tirsan Booliska Hirshabeele

Labada dhinac ayaa muddo saacadho ah ku dagaalamay gudaha Magaalada Baladweyne balse lama sheegin weax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka

Hase ahaatee Xaalada ayaa saakay degan iyadoona weli ay is horfadhiyaan ciidamadii dagaalamay mana jiro wax war ah oo ka soobaxay sarakiisha ciidanka militariga iyo kuwa booliska Hirshabeele oo looga hadlay dagalka

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com